Faroole oo baaq u diray madaxda maamulada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna mudane ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay dabaaldega sanad guuradii labaad ee doorashada hogaanka waqti xaadirkan ee maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey wuxuu diiradda ku saarey arrimihii ugu dambeeyay ee waddanka.

Doorashadda Puntland ayuu ka dhawaajiyey in ay waqtigeeda 8-da Janaayo ay ku qabsoontay afartii sano ee lasoo dhaafay. Dowladda federaalka iyo maamulada kale ayuu rajeeyay in ay dhabahaas oo kale mari doonan.

"Dowladda federaalka cidii waajibkeedu saaran yahay baa laga rabaa in ay hirgeliso [in doorashadda aysan xilligeeda ka dib-dhacin," ayuu ku daray.

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayuu ku waaniyey in aysan noqon "dad loo taliyo oo ay soo raacaan wadada saxda ah".

Hogaanka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayuu uga digay "in aysan kuraasta baarlamaanka u boobin madaxda dowlada federaalka".

Dhanka kale, Faroole oo soo hadal-qaadey dhibaatooyinka ay Puntland kala kulmeyso maareynta shilin Soomaaliga ayaa xusay in ay ahayd shaqo laga rabay in uu qabto Bangiga Dhexe ee xaruntiisu tahay caasimada Muqdisho.

Dastuurka ku meelgaarka ah ayuu tibaaxay in arrimaha lacagta uu si gaar ah awood u siinayo in ay joongeyso xukuumadda waqtigaas jirta. Balse dowladda federaalka ayaa u muuqata mid gabtay waajibaadkeeda saxda.

Puntland ayuu carabka ku dhuftay in ay lacag u gooni ah sameyn karto hadii ay sii bataan dhibaatooyinka ay kala kulmeyso maareynta lacagta dalka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay dowladda Puntland ayaa la tacaaleysay maareynta shilin Soomaaliga oo hoos-u-dhac soo wajahay taasoo nolosha dadka adkeysay.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo waajibaadkeeda gabtay ayaa dhibaatadan halkii ay xalkeeda qeyb ka noqon lahayd waxay u adeegsatay aalad siyaasadeed oo ay ku cadaadiso madaxda Puntland si ay danaheeda uga hesho. Balse, hogaanka xukuumada Deni waxay uga gudbeen si farsamo teyesan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM