Faroole oo ka digay isbadalka loo maleegayo dastuurka Puntland

Image
Madaxwaynihii hore ee Puntland ayaa sidoo kale ku waaniyey Deni uu ka qeybgalo shirarka masiiriga ah.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynihii hore ee Puntland, guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa waxa uu si kulul ka hadlay isbadalka la damacsan yahay in lagu sameeyo dastuurka dowladda Puntland.

"Waxaan rumeysanahay dastuur la fara-fareeyo iyadda oo dowladda waqtigeeda ay ka hareen bilo in ay keeni karto dhibaato ay hadhow laga bixi karin. Waxyaabo kale oo badan ayaa la isku haystay; doorashada nooceeda sax ma tahay, iyadda oo aan loo dhameyn iyo wixii horey uga dhacay saddexdii degmo. Marka haddii wax kale lagu sii daro rati caloosha laga raray bay noqoneysaa," ayuu yiri.

Faroole ayaa carabka ku adkeeyay in dastuurka Puntland kaliya wax laga badali karo "marka ay jirto daruuf aan laga fursan karin" iyo marka la mideynayo dhamaan dastuurada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Puntland ayuu xusay in waqti-xaadirkan aysan ka jirin daruuf ay isla arkeen qeybaha kala duwan ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu xusay in dastuurka federaalka aan wali la gabagabeyn isla markaana ay shaqo ku socoto.

"Ma garan karo baahida keeni karta in xubin kamid ah maamulada ay xilligan badasho qodob kamid ah dastuurka sida Puntland hadda ka socoto iyadda oo laga yaabo in sanadkan la dhameeyo dastuurka federaalka maadaama aysan qodobo badan aysan dhineyn," ayuu hadalkiisa sii raaciyey mudanaha.

Shacabka Puntland ayuu ku nuux-nuux-saday in aysan u cuntami karin in qodob dastuuri ah loo badalo "si maamul gaar ah ugu fushado dano isaga u gaar ah oo u suurtagelinaya in uu xukunka kusii joogo ama kororsi ugu sameysto".

"Dowladda uu madax ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni haka waantowdo [isbadal lagu sameeyo dastuurka Puntland]. Wixii dhibaato ah ee ka yimaada hadhow iyadda ayaa mas'uul ka noqoneysa. Dadka dalka u dhashay ee wixii la doono la iska marsado waxaan leeyahay wixii dib ka xumaan doona horey yaan loo taaban," ayuu tibaaxay.

Hay'adaha dowliga ah ee Puntland sidda Golaha Wakiilada iyo Golaha Sare ee Garsoorka ayuu ku tartarsiiyay in ay usii diyaar-garoobaan sidii ay isku-hor-istaagi lahaayeen "wixii dalkan dhibaato u keenaya".

Madaxwayne Deni ayuu ku waaniyay in uu ka qeybgalo shirarka looga tashanayo masiirka Soomaaliya ee ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda si uu miiska u saaro dooda Puntland.

Deni ayaa waxa uu ka maqnaa shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka kuwaasoo go'aan looga gaarey federaaleynta garsoorka iyo hanaanka maaliyadda Soomaaliya. Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen ee dowladda Puntland ayaa waxa uu talaabadan u qaadey arrimo uusan wali caddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM