Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Image
Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Hargeysa, Soomaaliya - Siyaasiga u hanqal taagaya madaxtinimada Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka falceliyay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf kuna saabsanaa Midnimada Soomaaliyeed.

"Jabuuti ayaa nagaga xun Soomaaliya, marka ay noqoto madaxbanaanida Somaliland" ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti uu sheegay in ay wadaan waanwaan ay isugu soo dhaweynayaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib khilaafkii badda.

Wasiirka ayaa xusay in uu jiray kulan kan ka horeeyay oo dhaxmaray Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo ka dhacay dalka Kenya, islamarkaana la filayo in kulan kale uu ka dhaco dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay diidanyihiin heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo lagu saxiisay Addis Ababa, ixtiraamna u haayaan madaxbanaanida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM