Faysal Warabe: Waan la hadleynaa xubnihii ka baxey xisbiga Kulmiye

Image

28 Nov, 2015 (GO)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu dhawaan Burco u tagay sidii uu taageereyaasha isbahaysigii dimuqraadiyad doonka KULMIYE ugu boorin lahaa inay ku soo biiraan xisbigiisa haddii ay goostaan inay ka baxaan xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in raggii xisbiga KULMIYE ka biyo diiday ay ku jiraan rag badan oo saaxiib ay yihiin isla markaana xaq u leeyihiin inay ku soo biiraan xisbiga cadaalladda iyo daryeelka ee UCID.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar u saxaafada ugu waramaayay magaalada Hargeysa

 “Xaq baanu u leenahay dadka xisbiga KULMIYE ka biyo diida inaanu la hadalno. Burco waxaan u tagaynaa waxay ahayd in raggaas (Isbahaysiga KULMIYE)  cidii taageersani inaanay xisbi kale tagin ee ay annaga (UCID) na sugaan. Maxamed Biixi waa saaxiibkay, Xirsi waa saaxiibkay waliba waa nin aad abaal iigu leh weeye. Cabdi-casiis Samaalle waa nin aad ii sharfa weeye. Waa ninkii axsaabta lacagta miisaaniyadda noo kordhiyay in kasta oo uu dalka oo dhan u kordhiyay, Cabdirisaaq Khilaaf Wasiirkii hore ee hawlaha guud waa saaxiibkay, yagoo dawladda ah ayaanu wada shaqayn jirnay markaa haddii ay noo yimaadaan oo ay xisbiga nala dhisaan xaq bay u leeyihiin oo waliba xaq bay u leeyihiin xataa inay iska sharaxaan.”

“Waxaanu jecel nahay inaanu xisbigan (UCID) ka dhigna xisbi qarrameed oo dadka oo dhammi iskugu wada yimaadaan oo aan qabiil lagu suntin. Sida iminka qaar qabiil ku suntan yihiin. Markaa Inuu xisbi qaran noqdo oo Somaliland oo dhami leedahay barri illaa galbeed ayaanu doonaynaa. Gacmo furan ayaan raggaas ku soo dhaweynayaa waa saaxiibadey, waxaanu ka tashanaynaa sidii haddii aanu soo baxno sidii Somaliland  ictiraaf u heli lahayd oo aanu u dhisi lahayn  dawlad midnimo qaran. Cidna ka qadin mayno annagu,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dacaayado ay Jamaal Cali Xuseen ka fidiyo, waxaanu ku dooday Inaanu ahayn “Biidhi-qaate.”

“Xisbiga Anigu dantiisa suldaan iyo cid kale toona u dabo fadhiisan maayo, annagu qof dantiisa ma horeysiino. Danta xisbiga iyo danta dalka ayaanu horeysiinaa,”ayuu ku dooday Faysal Cali Waraabe, waxaanu hadalkiisa ku kabay “Qofkii aanu is leenahay xisbiga wuu soo saari karaa oo Muuse Biixi Iyo Cirro waa laga horgeyn karaa, ama wuu ka adkaan karaa ayaa talladiisa la gelayaa.annagu qof iska caashaqi mayno. Arrinta Xisbiga UCID noqon mayso Arrin Ciise Muuse Iyo Ciidagalle u dhaxaysa ee waa arrin xisbi oo xisbiga ayaa eegaya.”

“Xisbiga UCID wuu jirayaa, foodkana wuu helayaa. Waa wakhtigii xisbiga UCID, labada xisbi ee kale waa la soo tijaabiyay midina dawladda ayuu xukumayay , midna Baarlamaanka. Murrashaxiintana waa la yaqaanaa rikoodhkii ayaa la hayaa,”Ayuu odoroskiisa sal uga dhigay Eng. Faysal Cali.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa yimid maalmo kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wadahadal u dhexeeyo siyaasiyiintii ka baxdey xisbiga Kulmiye iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji ayaa booqasho u ku tagey magaalada Burco kala kulmey soo hdoweyn balaaran isagoo sheegey in halkaas u tagey wadayashi uu la yeelnayo taageeryashiisa iyo kuwa xisbiga uu ka tirsanaan jirey ee Kulmiye.

Doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa iney dhacdo sanadka 2017 iyadoo xisbiga talada haya uu musharax u yahay Muse Bixi hlak xisbiga mucaaradka ah ee wadani ka sharaxan yahay Cirro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM