FIFA oo Puntland ku casuntay shir ka dhici doona Zürich

Image

October 9, 2014 (GO)- Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA ayaa Puntland ku casumay shir bisha December ee soo socota ka dhici doona xarunta ugu weyn FIFA ee ku taalla magaalada  Zürich ee dalka  Switzerland.

Casumaadda Puntland ka heshay FIFA ayaa timid kadib markii ay dacwad ka gudbisey Xiriirka Kubadda Cagta Somaliya oo sida Puntland horay u sheegtay isku koobay magaalada Muqdisho oo keliya.

Agaasimaha Qaybta Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha  Puntland Axmed Cabdulle Tigaana, ayaa aritan ku faahfaahiyey waraysi uu maanta siiyey qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Puntland.

Tigaana waxuu waraysiga lala yeeshay ku sheegay in warqadda cabashada ah ee Puntland FIFA u gudbisay lagu xusay sharci darrada uu ku shaqeynayey xiriirku muddo labaatan sano ka badan iyo weliba sida loo duudsiyey xuquuqdii ay lahaayeen Puntland iyo maamullada kale ee dalku, waa sida agaasimuhu hadalka u dhigaye.

In FIFA kasoo jawaabtay cabashadooda wuxuu ku tilmaamay guul weyn, maadaama hadda wixii ka dambeeye Puntland suuragal u tahay inay hesho mashaariic badan oo horumarinta ciyaaaraha khuseeya kuwaasoo horay hoggaanka xiriirka kubadda cagta ee Muqdisho fadhigoodu yahay u musu maasuqi jireen.

Puntland ayaa qaadacday doorasho bishii August ee lasoo dhaafay dhamaadkeedii ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo lagu doortay dhowr xubnood oo la sheegay inay yihiin hoggaanka cusub ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM