Firdhiye: Gacantii cadowga ee dishay Abwaan Jaamac waan goynay

Image
Hoggaamiyaha ayaa xusay in Laascaanood iyo dhammaan dhul weynaha SSC-Khaatumo ay yihiin dhul Soomaliyeed.

GAROWE, Puntland - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Shacabka Caasimadda iyo marti sharaf badan oo kala timid dhulka Soomaliyeed oo dhan kala qaybgalay bandhigga iyo xuska Buugga laga qoray Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in Laascaanood iyo dhammaan dhul weynaha SSC-Khaatumo ay yihiin dhul Soomaliyeed oo hooy u ah una furan markasta dadka Soomaaliyeed dhan.

"16/8/2023 waxaannu ballanqaadnay inaanu gacantii cadawga ahayd ee Abwaan Jaamac Kadiye dishay aanu goyn doonno, Eebbe mahaddii gacantaas waanu goynay," ayuu yiri.

Hoggaamiyaha ayaa u mahadceliyey Qoraaga Buugga, Bahda qabanqaabada munaasibadda iyo dhammaan marti sharaftii ka kala timid dhulka Soomaliyeed ee soo ajiibay ka qaybgalka Munaasibadda.

"Waxaan markale xusayaa in ciidankii iyo shacabkii jabiyey cadawgaas ay wali diyaar u yihiin in ay difaacdaan dhulkooda, sharaftooda iyo karaamadoodaba. Haddii nabadda la xejin waayanana aanan markaan ciidankayaga horjoogsan doonin," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM