Firdhiye oo shuruud adag ku xiray sii deynta maxaabiista Somaliland

Image
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xusay in Hargeysa ay ka haayaan in ka badan 292 maxbuus.

GAROWE, Puntland - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, C/qaadir Jaamac Aw-cali Firdhiye, ayaa Arbacadii ka hadlay shuruudo lagu sii dayn karo maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Mr. Firdhiye ayaa xusay in maxaabiista ciidamada Somaliland la sii dayn doono oo kaliya marka la gaaro heshiis nabadeed oo dhameystiran, isla markaana maamulka Somaliland uu joojiyo daandaansiga ay ka wadaan deegaanada la isku yiraahdo SSC-Khaatumo (Sool, Sanaag, iyo Cayn).

Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu hadda gacanta ku hayo in ka badan 292 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaas oo ku xiran labo xabsi oo ku yaala magaalada Laascaanood.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mid ka mid ah maxaabiista uu u dhintay dhaawac, halka labo kale oo dhaawacoodu culus yahay loo soo gacan geliyay qoysaskooda iyadoo soo marisay ICRC.

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii ciidamada SCC-Khaatumo ay xoogaga Somaliland ka saareen deegaanada SSC iyo Khaatumo oo muddo sideed bilood ah ay labada dhinac ku dagaalamayeen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey maalin ka dib markii ciidammada SCC ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga ugu weyn ee Somaliland ee Goojacade oo ka baxsan magaalada Laascaanood, ayaa qiray in dib u dhac weyn ay ciidamadiisu kala kulmeen dagaalladii ka dhacay agagaarka magaalada Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM