Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa furmi doona 15-ka bisha soo aadan ee June sanadkan 2020, sidda lagu sheegay ogeysiis loo diray mudaneyaasha Aqalka.

"Mudanayaal iyo Marwo - Ajandihii qabyadda ahaa waxaa la idinku soo gudbiyey madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sidii caadadu aheyd," ayaa la raaciyey ogeysiiska.

Wargelintan uu arkay Garowe Online ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Sidaa darteed, waxaan Alle inooga rajeynaynaa in uu nabadgelyo iyo caafimaad inagu gaarsiiyo. Ka soo qeybgal wanaagsan".

Shaacinta furitaanka fadhiyadda baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 ayaa kusoo aadeysa xilli ay jirto halista caafimaad ee ka dhalatay Coronavirus, kaas oo dhakhaatiirtu ku joojiyeen kulamada.

Ma cadda in isbedel lagu sameynayo habka kulamadda baarlamaanka, lagumana caddeyn ogeysiiska loo diray Xildhibaanadda.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xaqiijisay 125 xaaladood oo ah Covid-19, shan dhimasho ah iyo saddex oo ka caafimaadey.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa sii maraya 1,357; dadka uu galaaftay waxay sii cagacageyneysaa 55 xilli bukaanadda uu haleelay kadibna ka bogsaday ay ku dhowadahay 150, sidda xukuumadu xustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM