Gaas oo amray in laga guuro dhismeyaasha dowladda Galkacayo

Image

August 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli degmada Gaalkacayo ku sugan ayaa soo saarey wareegto uu ku amrayo in laga guuro dhismaayaasha dowladda ee sida sharci darrada ah loo degen yahay.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha ay khuseyso in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan, waxaana dadka loo muddo kooban.

Boqollaal kamid ah dadweynaha Gaalkacayo ku nool ayaa deggen guryo iyo dhul ay lahaan jirtey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Qoraalkaan amarka ah in laga baxo guryaha ayaa dadweynaha degan degmada Galkacayo siyaabo kala duwan u arkeen iyadoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in dowlada qorsheyneyso in dhulkaan iibiso.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxweynaha Puntland qorsheynayo in qaar ka tirsan dhulkaan oo ku yaal meelaha ugu muhiimsan magaalada laga iibsho dad ganacsato ah iyadoo lacagta kasoo baxda la sheegey in wax looga qabanayo garoonka diyaardaha Galkacayo iyo dhisme madaxtooyo oo ay yeelato magaalada Galkacayo.

Kulan dhexmarey qaar ka tirsan odoyaasha magaalada Galkacayo iyo madaxweynaha Puntland habeenkii xaley 16 August,2015 ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha Puntland lagaga codasadey in mashaariicda lagu maalgalinayo dhulkaan dowlada lacago kale u raadiso balse aan la iibin dhismyaasha dowlada.

Dadweynaha magaalada Galkacayo ayaa waxaa horey u soo marey dhul dowlada leedahay oo la iibiyey kuwaasoo lacagtii laga heley aysan dib ugu noqon hurumarinta magaalada iyo mashaariic la xiriirta arrimaha buslahada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM