Gaalkacayo: Madaxweynaha PL oo magacaabay saddex guddi

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweyne Gaas oo isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayaa maalintii labaad ku sugan yihiin magaalada Galkacyao ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo magacaabay saddex guddi oo loo kala xil saaray amniga, horumarinta gobolka iyo dhaqaalaha.

Xubnaha saddexda guddi oo isugu jira wasiirro, xildhibaano iyo agaasimeyaal, waxay dhammaantood kasoo jeedaan gobolka Mudug. Guddiyada Madaxweynuhu soo magacaabay ayaa kala ah sidan:

 Guddiga amniga

  1. Wasiirka Ganacsiga, Cabdiweli Xirsi Cabdulle, Guddoomiye.
  2. Wasiiru-dowlaha Caafimaadka, Cabdullaahi Jaamac.
  3. Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha, Cali  Yusuf Jaamac.
  4. Xil. Axmed Jaamac Cabdille.
  5. Xil. Cabdulqaadir Xuseen Nuur.
  6. Xil .Cabdulaahi.
  7. Ku-simaha Guddoomiyaha Mudug, Axmed  Muuse Nuur.


Guddiga  horumarinta iyo qaabeynta Gaalkacayo

  1. Cabdirashiid Maxamed Xirsi,  Guddoomiye
  2. Cabdiraxmaan Jaamac kulimiye.
  3. Xil. Cabdixakiin Macalin Daahir.
  4. Xil. Maxamed Cabdi Warsame.
  5. Agaasimaha Guud ee PMPF, Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji.
  6. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Cabdicasiis Jaamac Nugaal.    


  Guddiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

  1. Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdilaahi Warsame, Guddoomiye.
  2. Wasiiru-Dowlaha Gobollada, Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan.
  3. Wasiiru-Dowlaha GaroommadaCabdiqani Geele Maxamed.
  4. Xil. Cabdirisaaq Yasiin Cabdulle
  5. Xil . Cabdiqaadir Faarax Bootaan.
  6. Xil. Nuuradiin Cabdirashiid  Cali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM