Gaalkacyo: Xubno AS ah oo dil toogasho lagu fuliyay

Image
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in talaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaalka ay ugu jiraan nabadgelyada.

GAALKACYO, Puntland - Puntland ayaa maanta toogasho ku fulisay 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo horey dil loogu xukumay.

Fulinta xukunkaan ayaa imaaneysa maalmo un kadib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

Booliska Puntland ayaa maalmood kadib waxay sheegeen in ay dib u soo qabteen qaar ka mid ah maxaabiista fakatay.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in talaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaalka ay ugu jiraan nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM