Gaas: dano badan ayaa ka dhexeeya Puntland iyo Jubaland

Image

March 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa magaalada Kismaayo gaareen ayaa sheegay in dano badani ka dhexeeyaan Puntland iyo Jubaland.

Gaas oo warbaahinta la hadlay waxyar kahor intii uusan garoonka Garowe ka duulin, wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey xoojinta xiriirka labada dowladood iyo inay iskaashi joogto ah oo dhinacyo badan leh yeeshaan.

"Jubaland waxaa naga dhexeeya xiriir ehelnimo, xiriir Soomaalinimo iyo fikir dowli ah oo aan wada aaminsannahay...waxan rajeynaynaa in socdaalkaasi kusoo dhammaado guul kana soo baxdo wax dan u ah horumarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland wuxuu si kooban uga warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee wafdiga Puntland kala soo hadli doonaan madaxda maamulka Jubaland.

Wuxuuna sheegay in labada dhinac wada-tashi ballaaran ka sameyn doonaan geedi socodka nabadda Soomaaliya iyo higsiga 2016; horumarinta iyo adkeynta midnimada.

Waa markii ugu horreysey ee Cabdiweli Gaas booqdo magaalada Kismaayo tan markii uu xilka qabtey, booqashadiisan waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo madax dhaqameed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM