Gaas: dano badan ayaa ka dhexeeya Puntland iyo Jubaland

Image

March 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa magaalada Kismaayo gaareen ayaa sheegay in dano badani ka dhexeeyaan Puntland iyo Jubaland.

Gaas oo warbaahinta la hadlay waxyar kahor intii uusan garoonka Garowe ka duulin, wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey xoojinta xiriirka labada dowladood iyo inay iskaashi joogto ah oo dhinacyo badan leh yeeshaan.

"Jubaland waxaa naga dhexeeya xiriir ehelnimo, xiriir Soomaalinimo iyo fikir dowli ah oo aan wada aaminsannahay...waxan rajeynaynaa in socdaalkaasi kusoo dhammaado guul kana soo baxdo wax dan u ah horumarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland wuxuu si kooban uga warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee wafdiga Puntland kala soo hadli doonaan madaxda maamulka Jubaland.

Wuxuuna sheegay in labada dhinac wada-tashi ballaaran ka sameyn doonaan geedi socodka nabadda Soomaaliya iyo higsiga 2016; horumarinta iyo adkeynta midnimada.

Waa markii ugu horreysey ee Cabdiweli Gaas booqdo magaalada Kismaayo tan markii uu xilka qabtey, booqashadiisan waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo madax dhaqameed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM