GAAS: DF ayaa faragelin ku heysa doorashada Puntland, oo Camey u adeegsanaysa

Image

GAROWE, Puntland - War-Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn culus loogu jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin iyo khal-khal siyaasadeed ku heyso doorashada maamulkan, iyadoo u adeegsanaysa Madaxweyne ku xigeenka.

Cabdiweli Gaas ayaa ku xigeenkiisa, Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ku eedeeyay inuu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay Puntland, islamarkaana ka doorbiday danno u gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida, oo laga soo faray Muqdisho.

"Waxaa xaqiiqo ah in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu in muddo ah uu meel iska dhigay mas'uuliyadii uu u hayay dowladda Puntland, kana doorbiday danno gaar ah iyo fulinta awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Puntland, lagana soo farayey Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Gaas iyo Camey ayaa dhawaan isku qabtey magacaabida guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Puntland, oo hadd soo xulistooda socoto.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM