​Gaas: DFS iyo beesha Caalamka hanaga taageeraan dagaalka Argagixisada [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa saxaafadda shir jaraa'id ugu qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada kadib muddo 24 saac ah oo uu ka aamusnaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas oo hadal kooban warbaahinta siiyay, ayaa wacad ku maray inay Puntland ka sifayn doonaan kooxaha Daacish iyo Shabaab.

Dowladda Federaalka Somalia iyo beesha Caalamka ayuu ka dalbaday inay ka qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah ee duullaanka kasoo qaaday Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay sida uu dagaalkii shalay u dhacay, Madaxweynaha ayaa xusay in kooxdaas weerar kusoo qaaday tuulada Af-urur islamarkaana xasuuq ugu gaysteen dad shacab ah.

Wuxuu tacsi u diray ciidamadii iyo dadkii ku dhintay weerarka Shabaab, isagoo ALLE uga baryay inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa intaas ku daray inuu magacaabay Guddi Wasiirro ah oo baaritaan ku sameeya sida ay wax u dhaceen, kuwaasoo sidoo kale ka shaqeeyaa sidii loo caawin lahaa dadkii dhibaatadu soo gaartay, isagoo sheegay in dowladdu aysan joojin doonin howlgalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada.

Wuxuu qiray in shacabka iyo dowladduba ku filanyihiin dagaalka nabad-diidka islamarkaana cashar u dhigaan waqtiga ay kulmaan.

Hadalkan oo u muuqda mid kasoo daahay waqtigii uu ku haboonaa, ayaa yimid xilli shirkii golaha wasiirrada Puntland aan lagu faah faahin dagaalkaas iyadoo xukuumaddu qarisay khasaarihii ka dhashay.

Tallaabadaas ayaa dowladdu kala kulantay dhaleecayn uga timid shacabka iyadoo aad loogu falanqeeynayay tan iyo shalay baraha bulshada.

Dhinaca kale hadalkan ayaa kusoo aaday xilli dowladda Federaalka Somalia, Turkiga iyo Galmudug ay soo saareen  qoraal ay ku cambaareynayaan dagaalkaas iyagoo sheegay inay Puntland ka gacansiin doonaan sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM