Gaas ''Gobal iyo Bar,khalkhal ma galin karo ammaanka Puntland''

Image

July 17, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay jiritaanka Puntland inay tahay lama taabtan, wax gorgor tan ahna aysan ka gali doonin, hadalkan ayuu ka jeediyay munaasibada Salaada ciida ee magalada Garowe.

''Dadka Puntland waxaa rabaa inaan u sheego inay dowladooda ku kalsoonaadaan, gobal iyo bar hada la dhoodhoobayna khalkhal ma gelin karo Puntland, wax kastana waan isaga filan nahay''.

Dr.Gaas ayaa sidoo kale sheegay Puntland inay hormuud u tahay Soomaalinimo ayna iyaga ka bilaabatay kuna dhamaan-doonto, khudbadiisa waxyaabaha kale uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa inaan lagu feegaari karin Dastuurkii lagu wada heshiiyay ayna cidna ka yeeli doonin.

Ammaanka iyo horumarka Puntland ka jira ayuu Gaas ka hadlay wuxuna sheegay inay farxad u tahay madaxda dalka inay shacabka Puntland maanta kula ciidaan magalada Garowe.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inay muqadas tahay jiritaanka xaduudaha Puntland.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona sawirada iyo codadka mas'uuliyiiinta kale oo ka hadashey Saalda ciidul Fitr ee lagu tukadey sakaa garoonka kubada cagta Mire Awaare magaalo madaxda puntland ee Garowe.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM