Gaas “Hadalkayga Toronto si khaldan ayaa loo turjumay”

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka waramay safarkiisa dalka Maraykanka iyo hadal dhawaan uu ka sheegay dalka magalada Toronto dalka Canada oo kaga hadlay dadka waddanka jooga xaaladooda.

Cabdiwali Maxamed Cali oo waraysi siiyay mid kamid ah TV-yada Somalia xilli uu kusugnaa gobolka Ohio ayaa sheegay in safarkiisa USA salka ku hayo kala warqaadasho u dhaxaysa isaga iyo qurbajoogta Puntland ee dalkaasi ku sugan.

Wuxuu sheegay maadama Maraykanka muddo ka maqnaa inay xukuumaddu door biday qaabkii bulshada halkaasi ku dhaqan looga jaahil bixin lahaa xaaladda Somalia islamarkaana looga soo qaadi lahaa fikradaha iyo talooyinka wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa wax laga weydiiyay arrin aad ugu baahday baraha bulshada oo kaga hadlay dadka ku nool Puntland xilli uu khudbad u jeedinayay qurba joogta ku dhaqan Toronto Canada, wuxuuna sheegay “in dalkii isug hareen dad aqoon yar islamarkaana faqri ah”, oraahdaas isagoo ka jawaabaya wuxuu tilmaamay in kalmaddan si qaldan loo turjumaya ee ujeedkeedu ahaa qaabkii shacabka loo dareensiin lahaa in haldoorkii dadka oo dhan soo aadeen qurbaha.

Diidmada Puntland ee nidaamka loo marayo doorashada Somalia, ayaa madaxweyne Gaas wax laga weydiiyay wuxuuna sheegay inay tahay arrin ay ku xeerinayaan maslaxadda shacab-weynaha Somaliyeed, isagoo xusay in go’aankaasi ka yimi shacabka uu hogamiyaha u yahay.

Gaas, ayaa sidoo kale meesha ka saaray inaysan jirin khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Somalia, oo kaliftay in Puntland ka hortimaado hishiisyada garwadeenka ka tahay dowladda Somalia,  wuxuuna tilmaamay inaysan jirin waxyaabo isugu imaan karaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadda ku sugan magalada Minnepolis ee Gobalka Minnesato, waxaana safarkaasi kusoo beegmay xilli dalka ka jiraan arrimo badan oo ugu darantahay abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Puntland qaybtood.

GAROWEONLINE

Halkan ka dhagayso Waraysiga uu Madaxweyne Gaas bixiyay

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM