Gaas iyo Keating : "Waan is-afgaran waynay" [DHAGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan saaka isugu yimaadeen waftigii beesha caalamka ee ku sugnaa maalmahaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa waxaa ka soo baxay warsafadeed u dhan yihiin labada dhinac.

Kulamadii beesha caalamka ay la yeelatey qayabaha kala duwan ee bulshada Puntland (Siyaasiyiin, Odey dhaqameedyada, ururada bulshada iyo golayaasha dowladda), ayaa lasheegay inaysan haba yareetee kasoo bixin wax is-afgarad ah kadib shir jara'id oo ay Madaxweynaha Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

Madaxweynaha Puntland oo ku hormarey warsaxafadeedka ayaa tilmaamay in beesha caalamka fursad u heshay iney shacabka Puntland waydiiso aragtidooda ku aadan qaabka doorasho ee Somalia islamarkaana waxaa uu xusey in aan la isku afgaran aragtidii lasoo bandhigey ee ku aadaneyd 4.5. Dhinaca kale Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Somalia ayaa sheegey inuu kala kulmay Puntland aragti baaxad leh oo ku aadan nidaamka siyaasdeed, amni iyo maqaamka magaalo madaxda Somalia.

Ergeyga ayaa sheegey iney tahay wax aad u xun in dib u dhac ku yimaado doorashada Somalia balse dib ugu noqonayaan Muqdishu lana kulmi doonaan dowlada Federaalka iyadoo loo bahan yahay in la wajaho caqabadaha jira.

Madaxweynaha Puntland oo ku hormarey warsaxafadeedkaan in beesha caalamka fursad u heshay iney shacabka Puntland waydiiso aragtidooda ku aadan qaabka doorasho ee Somalia islamarkaana waxaa uu xusey in aan la isku afgaran aragtidii lasoo bandhigey ee ku aadaneyd 4.5.

Dhinaca kale Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Somalia ayaa sheegey in kala kulmay Puntland aragti baaxad leh ee ku aadan nidaamka siyaasdeed, amni iyo maqaamka magaalao madaxda Somalia.

Ergeyga ayaa sheegey iney tahay wax aad u xun in dib u dhac ku yimaado doorashada Somalia balse dib ugu noqonayaan Muqdishu la kulmi doonaan dowlada Federaalka iyadoo loo bahan yahay in la wajaho caqabadaha jira.

Kulankan ayaa kusoo beegmay kadib saddex bari oo magalada Garowe kasocdeen kulamo wadatashi kuwaas oo ku aadan hanaanka loo marayo doorashada 2016, waxaana dhammaan dhinacyadii ay la kulmeen beesha calamku u sheegeen inaysan dib ugu noqon doonin habraaca wax ku qaybsiga beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM