Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo gaarey Talyaaniga

Image

May 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag ayaa xalay gaarey magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga.

Gaas ayaa shalay magaalada Muqdisho gaarey halkaasoo isaga madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah federaalku kulan kula qaateen xog-hayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo shalay booqasho aan horay loo shaacin muddo koobanna qaadatey Muqdisho ku yimid.

Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM