​Gaas oo booqday dhaawacyo lagu dabiibayo Addis

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay wehilanayaa xubno kasocda golayaasha fulinta iyo sharci dajinta, ayaa booqasho ugu tagay ciidamadii kusoo dhaawacmay dagallo lala galay kooxo katirsan Shabaab, kuwaas oo xaalad caafimaad loo keenay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Booqashadan ayaa madaxweynuhu ku ogaanayay arrinta caafimaad ee ciidamada, waxaana qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay inay wanaagsantahay islamarkaana loo qaadayo dalka India si loo soo marin hubin caafimaad.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas, ayaa kulan qado ah la qaatay madaxweynaha ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, waxayna kawada hadleen arrimo kala duwan oo xiriirka labada dhinac khuseeya gaar ahaan ganacsiga iyo kastanka Tuur-dibi ee dhawaan la furi doono.

Kulankaasi ayaa la sheegay in labada dhinac isku afgarteen islamarkaana isla gaareen go'aamo ah in la xoojiyo xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay shirkii "Tana High level Forum on Security" oo ka dhacay magalada Bahir Dar ayaa weli ku sugan Addis, isagoo ku jira booqashooyin uu ku tagayo xarumo sameeya Birta Culus iyo Hubka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM