Gaas oo dhoofay, Sharmaarke iyo Madoobe oo Garowe ku sugan

Image

July 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya, xilli ay magaalada Garowe ku sugan yihiin Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo iyagu ku hawlan xal u helista xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula halday, wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay mid shaqo isagoo xusay inuu kulammo kaga soo qayb geli doono magaalada Nairobi.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay weli socdaan dadaallada nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis, halkaasoo muddo labo bilood ku dhow isku hor fadhiyaan ciidamo gadoodsan iyo ciidan kale oo dowladdu deegaankaas u dirtay.

Waan-waanta oo markii hore isimmada Puntland ku jireen waxaa todobaadkii lasoo dhaafay kusoo biiray welina arrintaas darteed Garowe ugu sugan Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wada-hadalka ayaa meel fiican maraya inkastoo weli ay jiraan qodobada qaar oo laysku mari la' yahay.

Arrinta dadku aadka wax isaga weydiinayaan ayaa ah in  Mudane Gaas si kedis ah dalka dibaddiisa ugu dhoofay xilli kulammo xasaasi ahi Garowe ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM