Gaas oo dhoofay, Sharmaarke iyo Madoobe oo Garowe ku sugan

Image

July 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya, xilli ay magaalada Garowe ku sugan yihiin Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo iyagu ku hawlan xal u helista xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis.

Gaas oo si kooban warbaahinta ula halday, wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay mid shaqo isagoo xusay inuu kulammo kaga soo qayb geli doono magaalada Nairobi.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay weli socdaan dadaallada nabadeynta ee la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan deegaanka Qarxis, halkaasoo muddo labo bilood ku dhow isku hor fadhiyaan ciidamo gadoodsan iyo ciidan kale oo dowladdu deegaankaas u dirtay.

Waan-waanta oo markii hore isimmada Puntland ku jireen waxaa todobaadkii lasoo dhaafay kusoo biiray welina arrintaas darteed Garowe ugu sugan Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wada-hadalka ayaa meel fiican maraya inkastoo weli ay jiraan qodobada qaar oo laysku mari la' yahay.

Arrinta dadku aadka wax isaga weydiinayaan ayaa ah in  Mudane Gaas si kedis ah dalka dibaddiisa ugu dhoofay xilli kulammo xasaasi ahi Garowe ka socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM