Gaas oo faraha kula jira doorashada afhayeenka Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Magaaladda Garowe waxaa ka socda tartanka xilka Gudoomiyaha Barlamanka Puntland. Xubnaha ku loolamaya ayaa xodxodasho ugu jira helitaanka kalsoonida Xildhibaanada.

Sharcidejiyeyaasha cusub ayaa mudada tobanka bilood ah ee ay shaqeynayaan waxaa weli saameyn ku leh doorashadii xilka Madaxweynaha ee Jan 8,2019.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxa uu si toos ah ugu soo biirey ololaha loogu jiro xilka Afhayeenka Aqalka Wakiilada, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Gaas oo taleefanka kula soo hadlaya Xildhibaanada qaar ayaa, sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan, codsanaya in afhayeenka loo doorto mid kamid ah musharaxiinta xilkaas doonaya.

Xildhibaanada saldhiga u ah ololaha Gaas kuwaas oo Garowe ka hagaya ayaa ah xubnihii codka siiyey madaxweynihii hore ee Puntland intii socotay doorashadii u dambeysay.

Xubanahaan ayaa rajo ka qaba iney saameyn siyaasdeed ku yeeshaan gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiilada Puntland kaas oo ah qofka sadexaad ee ugu awooda badan Puntland.

Gaas oo xisbi siyaasadeed kula jira Shariif Xasan ayaa dadaal ugu jira sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa siyaasada Puntland marka la gaaro doorashada la filayo in lagu soo xulo xildhibaanada labada aqal ee Barlamanada Federaalka.

"Barlamanka Puntland oo tan iyo intii la soo doortey ku jirey khalkhal siyaasadeed ayaa u baahan xasilooni siyaasdeed," sidaas waxaa GO u sheegey siyaasiyiin ku xeeldheer arimaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM