Gaas oo furay wejiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Puntland

Image
Image
Image
Image

June 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe uga qayb galay munaasabad lagu soo xirayey  wajiga koowaad ee barnaamijka tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda  islamarkaana lagu daah furayey wejiga labaad ee barnaamijkaas.

Xafladda oo ka dhacday hoolka shiraraka ee PDRC ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Waasiiro, xildhibaano, agaasimeyaal, saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudiga farsamada iyo dib-uhabaynta shaqaalaha Puntland ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wajiga koowaad ee shaqada guddiga.

Gaas oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland uu qeyb ka ahaa balanqaadyadii uu sameeyey. 

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u mahadceliyey gudigii howshaas loo xil saarey oo sida uu sheegay si wanaagsan u gutey waajibaadkii shaqo ee la faray.

"waa muhiim in la helo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan , hadana waxaa noo soo dhammaaday wajigii koowaad ee ahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda la helo" ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhawaan la soo dhisi doono hay'adda tababarka shaqaalaha, taasoo ka caawin doonta shaqaalaha dowladda inaysan hadda kadib dibaddda tababar u aadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM