Madaxweyne Gaas oo Galkacyo gaaray kana hadlin shirkii Kismayo

Image
Image
Image
Image

 Sept 14 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo.

Gaas oo hadalka kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay safarkiisa Jubbaland uu kaga soo qaybgaley caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana uu ku soo dhammaaday guul.

Madaxweynaha Puntland kama uusan hadlin shir magalada Kismayo ku yeesheen madaxda Federaalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka kaas oo lagu go'aamiyey in Sept 20,2015 kulan la isugu yimaado magaaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid warsaxafdeed ay maanta soo saareen ayey ku sheegen in magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan looga arinsan doono arrimaha Somalia.

Shirka Muqdisho ka dhacaya ayaa lagu sheegey qoraalkaan in agu g'aamiyey kulan aan caadi aheyn oo magaalada Kismayo Sept 14, 2015 ku dhexmarey madaxda ugu sareysa Somalia iyo madaxda maamulada ka tirsan dowlada Federaalka. Halkan ka akhri warsaxafdeedkaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM