Madaxweynaha Puntland oo Garowe u yimi kalfadhiga Balamanka

Image

25 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhaweyd soo gaaray magalada Garowe, xilli maanta uu furmayo kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kalfadhiga ka jeedin doona khudbadiisa Dastuuriga ah, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli la hadal hayay cidda kalfadhigan furi doonta, maadama madaxweynuhu ka biyo diidsanaaa inuu yimaad Garowe.

Ku-xigeenkiisa Camay, oo laga war hayo inuu u dhaxeeyo khilaaf ku aadan awoodahooda Dastuuriga ah ayaa saaka u tagin, xilli Gaas madaxtooyada ku booqanayeen xubno  isugu jiray wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugal iyo kan degmada Garowe.

Muddo ka badan labo bilood ayaa madaxweyne Gaas ku sugnaa magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM