Gaas oo isku shaandheeyay Agaasime Waaxeedyada maaliyadaha [Sababta]
GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaashii Maamulka iyo Maaliyadaha ee wasaaradaha dowladda.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas maanta oo Khamiis ah ayaa la isku badalay 15 agaasime waaxeed oo ka howlgali jiray xafiisyada wasaaradaha dowladda.
Tallaabadan ayaa Madaxweyne Gaas qaaday muddo ku dhow 5 sano oo uu xafiiska joogay iyadoo waliba ay iska soo daba dhacayeen eedaymo la xariira musuq-maasuq lagu eedaynayo xafiisyada ugu sareeya dowladda.
Isku shaandhayntan ayaa loo aanaynayaa in Madaxweyne Gaas u qaaday eedayntii dhawaan loo soo jeediyay wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu lunsaday lacag tiro badan.
Xisaabiyihii wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Barkhad Aadan Muuse wuxuu sheegay in lacago badan lagu lunsado sifo sharci darro ah taasina ay keento in ciidamada iyo shaqaalaha dowladdu waayaan xuquuqdoodii. Halkan ka Akhri
Laakiin wasiirka Maaliyadda ayaa arrintaas iska difaacay oo sheegay in xisaabiyaha laftiisu lacag badan lunsaday. Halkan ka Akhri
Lama oga waxa ay ka badali doonto isku shaandhayntan musuq-maasuqa baahsan ee ka jira xafiisyada dowladda.
Hoos ka Akhriso Wareegtada la isugu shaandheeyay Agaasime Waaxeedyada maamulka iyo maaliyadaha ee Wasaaradaha Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.
Xeer Madaxweyne Lr.73 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.
Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta shaqada maamulka iyo maaliyadda ee Wasaarddaha
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarddaha Dawladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta
- Waxaa Maxamuud Axmed Saalax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka
- Waxaa Mahad Colaad Maxamed loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare
- Waxaa Cabdicasiis Siciid Bootaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
- Waxaa Xassan Shire Abgaal loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha
- Waxaa Cabdi Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah
- Waxaa Axmed Cali Gargaar loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose
- Waxaa Axmed Xariir Gaas loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska
- Waxaa Cabdifataax Cali Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda
- Waxaa Faarax Maxile Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada
- Waxaa Yaasiin Axmed Rooble loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyaqdda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
- Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha iyo Ciyaaraha
- Waxaa Maxamed Abshir Jaamac loo magacaabay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
- Waxaa Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
- Waxaa Siciid Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Amniga.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
GAROWE ONLINE