Gaas oo ka hadlay maalmaha Xorriyada Soomaaliya iyo Jabuuti

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynahaa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay maalmaha xorriyada ee dalka Soomaaliya gaar ahaan 58 guurada kasoo wareegtay markii Calan Soomaaliyeed laga taagay gobollada Waqooyi.

Wuxuu ku 26 June 1960-kii maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed.

"Waxaan maanta oo ah 26 june 2018 aan rabaa in aan halkaan hambalyo uga diro dad weynaha Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, gaar ahaan shacab weynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya oo ah maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliyeed oo maanta ay kasoo wareegtay 58 sano,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray, “Calankaas oo loosoo maray dhib badan, xoriyadaas oo qarniyaal iyo sanado tira badan ummada Soomaaliyeed ay u hurtay dhiig iyo dhacaan in ay noqdaan dal xor ah, xoriyad taama hela aayohooda ka tashada, waxaan u dirayaa hambalyo dadkaas meel kasta oo ay joogaan, waxaa larabaa in aan is xasuusino calanka maalintaas lataagay waxa uu ahaa calanka baluuga ah ee cirka u eg, dhexda xidigta cad ee shanta geesood leh ku leh, ma ahayn calan kale kaas ayuu ahaa waxaan rabnaa inaan dadka u sheegno kuna baraarujino.”

Dhinaca kale Gaas ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyey in umadda Soomaaliyeed isu timaado islamarkaana mar kale ay soo noqoto midnimadii dhacday 1960-kii.

“Waxaan rajeenaynaa idin Alle wakhti aan dheerayn in Soomaaliya isku timaado, midnimadeedii iyo wadajirkeedi ay isku soo laabato, karaamadeedii, sharfteedii iyo Dowladdnimadeedii oo taama ay wakhti dhow dib u hesho aayaan rajeenayaa Inshaa Allaah, farxad ku ciida sanadkan sandkiisa kale,  waxaan ku gaaraynaa wadajir, midnimo iyo Soomaalinimo dhaba Inshaa'Allaah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynahaa Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hamablyo u diray Shacabka iyo Madaxda Dalka Jabuuti oo ay maalinta berri ah u dabaal dagaya sanad guuradii 41aad ee kasoo wareegtay markii ay ka xoroobeen Isticmaarkii Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM