Gaas oo kormeer sameeyay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

27 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa maanta kormeeray xarumo dhowr ah oo ay ka midyihiin xabsiga Galkacyo , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale.

Kormeerka waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar ka mid ah masuuliyiinta golayaasha dowladda.

Gaas ayaa booqasho uu ku tagay xabsiga weyn ee Galkacyo ka dib waxa uu sheegey in maxaabiista tirada badan ee ku jira halkaasi la horkeeno cadaaladda, qofkii lagu waayo dambina xoriyadiisa si dag dag ah loo siiyo.

Madaxweynaha Puntland aya sidoo kale kormeerkiisa ku tagey xerada siinaay oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidanka kamaan doosta ah ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf.

Korkeerka madaxweynaha iyo safarka uu ku joogo Galkacyo waxaa Radio Garowe uga waramay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac "Quraan Jecel".

Gaas ayaa muddo ku sugnaan doona magaalada Galkacyo oo uu ka socdo shirka wadatashiga Puntland kaasi oo la filayo in la soo xiro maalinta Sabti ee fooda inagu soo haysa.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM