Gaas oo ku wajahan caleemo saarka madaxa maamulka Galmudug

Image

GAROWE- Madaxweynaha dowlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta u ambabaxaan magalaada Cadaado halka soo la filayo iney ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Booqashada Madaxweyne Gaas oo ku soo aadeysa maalin kadib markii uu ku soo noqdey Puntland ayaa noqneysa midii ugu horeysay uu ku tago magalaada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Maamulka Gamudug oo la dhisay inta uu talada Puntland hayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa  ka dhexeeya khilaaf siyasadeed oo sababey in dagaalo ku dhexmaraan magalaada Galkacayo.

Madaxweyne Gaas iyo madaxweynihii hore xilka laga qaadey ee Galmudug Cabdikarim Guuleed ayaa kulamo lagu joojinayey dagaalada Galkacayo horey ugu yeeshey labada dhinac ay u qaybsan tahay xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale talaabada Madaxweyne Gaas ee ka qayb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub maamulka Galmudug ayaa dadka siyaasada gobolka la socdaa sheegayaan iney tahay mid soo dhoweyn leh balse rajo badan aysan ka muujineyn  iney keento xal deg-deg ah  oo laga gaaro xaalada murugsan ee ka taagan magaalada Galkacayo.

Dhowaan ayey aheyd markii dagaal beeleed sababey dhimasho iyo dhaawac ka dhacey agagarka tuulada Bali-busle ku halka Madaxweyne Gaas dhinaca kale ku guulaysan mudooyinkaan  Inuu furo xuduudka kala Bara magalada Galkacayo kaasoo xanibaad joogta ah ku haya gadiidka u kala goosha gobolada dhexe ee Somalia iyo Puntland. 

Xanibaada Gadiidkaan ayaa keentey in hoos u dhac ku yimaado dakhligii dowlada Puntland ka heli jirtey badeecadaha isaga gooshi jirey dekada magalaada Bossaso iyo gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM