Gaas oo la kulmay maamulka iyo saraakiisha amniga gobolka Mudug

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad magaalada Gaalkacayo ku sugan  ayaa maanta kulan la qaatey saraakiisha amaanka, Garsoorka iyo maamulka gobolka Mudug.

Shirka ayaa mudadii uu scoday Madaxweynuhu warbixino ka dhagestay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Mudug, waxaana ay ka xog warameen xaaladda guud ee gobolka iyagoo sheegay inay tahay  mid wanaagsan, adeegyada dawladuna si habsami leh u soconayaan.

Saraakiisha Madaxweynuhu la kulmay ayaa dhankooda ku baaqay in la kordhiyo daryeelka ciidamada, maadaama aysan muddo bilo ah mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen helin.

Gaas ayaa qeybaha kala duwan ee buslhada ugu baaqay in ay laamaha ammaanka la shaqeeyaan , kuna soo wergeliyaan fal kasta oo lidi ku ah amaanka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM