Gaas oo laga sugayo qaybta Qabaa'ilka Puntland ee aqalka sare Barlamanka Somaliya

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland oo safar ugu maqan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethioipia ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayan inuu ku dhawaaqi doono qaabka Qabaa'ilka Puntland u qaybsan doonaan aqalka sare ee Barlamanka Somaliya marka uu dib ugu soo noqdo Garowe.

Kulanka la filayo in magalaada Muqdishu ka dhaco asbuuca hore ee Bisha September ayaa madaxda maamulada gobolada laga sugayaa iney ku soo gudbiyaan shaxda Qabaa'ilka u qaybsadeen xubnaha aqalka sare ee Barlamanka.

Wararka warsidaha soo gaaraya ayaa  sheegaya in Madaxwyne Gaas maalmihii lasoo dhaafey kulamo la yeelanayey qaybaha kala duwan ee beelaha Puntland kuwasoo xusul duuba ugu jira sidii ay u heli lahayeen xubinada aqalkaas.

Puntland ayaa aqalka sare ee Barlamanka Somaliya ka heshay 13 xubnood kuwasoo loo qaybin doona beelahii ku midoobey maamulkaas dhismihiisa sanadkii 1998.

Madaxweynaha Puntland ayaa in muddo ah dib u dhigayey go'aanka qaybinta xubanahaan kuwasoo sida sharciga doorasho ee madaxda Somalida ku heshiyeen dhigayo in awooda magacaabista ay leeyihiin madaxda maamul goboleedyada.

Qabaa'ilka Puntland iyo dad kala yimid wadanka dibadiisa ayaa buux dhaafiyey hotelada magalaada Garowe kuwasoo raadinaya iney helaan xubin-nimada aqalka sare iyo hoose ee Barlamanka Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM