Gaas oo laga sugayo qaybta Qabaa'ilka Puntland ee aqalka sare Barlamanka Somaliya

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland oo safar ugu maqan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethioipia ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayan inuu ku dhawaaqi doono qaabka Qabaa'ilka Puntland u qaybsan doonaan aqalka sare ee Barlamanka Somaliya marka uu dib ugu soo noqdo Garowe.

Kulanka la filayo in magalaada Muqdishu ka dhaco asbuuca hore ee Bisha September ayaa madaxda maamulada gobolada laga sugayaa iney ku soo gudbiyaan shaxda Qabaa'ilka u qaybsadeen xubnaha aqalka sare ee Barlamanka.

Wararka warsidaha soo gaaraya ayaa  sheegaya in Madaxwyne Gaas maalmihii lasoo dhaafey kulamo la yeelanayey qaybaha kala duwan ee beelaha Puntland kuwasoo xusul duuba ugu jira sidii ay u heli lahayeen xubinada aqalkaas.

Puntland ayaa aqalka sare ee Barlamanka Somaliya ka heshay 13 xubnood kuwasoo loo qaybin doona beelahii ku midoobey maamulkaas dhismihiisa sanadkii 1998.

Madaxweynaha Puntland ayaa in muddo ah dib u dhigayey go'aanka qaybinta xubanahaan kuwasoo sida sharciga doorasho ee madaxda Somalida ku heshiyeen dhigayo in awooda magacaabista ay leeyihiin madaxda maamul goboleedyada.

Qabaa'ilka Puntland iyo dad kala yimid wadanka dibadiisa ayaa buux dhaafiyey hotelada magalaada Garowe kuwasoo raadinaya iney helaan xubin-nimada aqalka sare iyo hoose ee Barlamanka Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM