​Gaas oo lagu soo dhaweeyay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa galinkii dambe maanta magalada Muqdishu gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), kuwaasi oo ka qayb gali doona shir looga hadlayo Arrimaha Somalia.

Kulanka oo socon doona labo maalin ayaa waxaa kasoo qayb gali doona xubno kasocda Qaramada Midoobay gaar ahaan golaha amniga.

Garoonka diyaaradaha Muqdishu (Aadan Cadde), ayaa soo dhaweyn waxaa ugu sameeyay  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Somalia oo uu hoggaaminayo wasiirka Jeneraal Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir.

Shirkaan oo madaxda maamul goboleedyadu imaan doonaan ayaa looga hadli doonaa arrimo ka mid yihiin nabagelyada guud ee dalk, xaaladda kala guurka, hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka, heshiisyadii dhexmaray dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay xilli uu muddooyinkii dambe soo baxayeen khilaaf ku salaysan hannaanka doorashada oo Barlamanku codsadeen in wax laga badalo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM