Gaas oo magacaabaya mas'uuliyiin, saxaafadda oo ku sugan madaxtooyada

Image

May 27, 2015 (GO)- Saxaafadda ayaa looga yeeray madaxtooyada Bosaso, halkaasoo goor dhow Madaxweyne Cabdiweli Gaas kaga dhawaaqi xil ka qaadis uu ku sameeyey mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Bari, islamarkaana ku shaacin doono magacyada xubnaha lagu beddeley.

Xubnaha la filayo in xilka laga qaado waxaa kamid ah guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Bosaso iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Bari.

Kala soco Garowe Online faah faahin ku saabsan xil ka qaadista iyo magacaabista la filayo in daqiiqadaha soo socda uu sameeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM