Gaas oo safar uu horey u shaacin ku aadaya dalka Turkiga

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayan in uu safar ugu ambabaxayo dalka Turkiga.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo iminka ku sugan wadanka Ethiopia ayaa wararkaan sheegayaan inuu 25 bishaan magaalada Addis Ababa ka sii aadi doono dalka Turkiga halkasoo ka heley casumaad.

"Maanta waxaan safar shaqo oo dhowr beri ah u aadi doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, oo aan u aadayo dhammaystirka hawlo qabyo ah oo muddo noo soo socdey oo ay ka mid tahay iskaashiga ganacsiga, Nabad-gelyada iyo ka hor tagga argagixisada labada dawladoodba ku ah dhib joogto ah." ayaa Madaxweyne Gaas hadalkaan jeediyey markii uu kasoo dhoofayey magaalada Garowe isaga oo aan shaacin inuu jiro safar uu ku aadayo dalka Turkiga.

Madaxweyne Gaas oo horey safar kan oo kale ah ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa halkaas kasii aaday dalka Sucuudiga isagoo  sheegey inuu kula kulmay maalqabeeno maalgalin ku sameynaya  Puntland.

Wararka ku dhow Madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in qorshayaasha uu ugu ambabaxo safarada aan horey loo shaacin tahay kuwo ay soo dhameeyaan shaqsiyaad casumaadaha Ka raadsha wadamada iyo dad maalqabeeno ah.

Maamulka Puntland ayaa iminka waxaa ka taagan xaalado siyaasdeed, amni iyo dhaqaale iyadoo wararku sheegayaan iney jirto mushahar la'aan baahsan oo haysata shaqaalaha Dowlada Iyo ciidamada. 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa laga sugayey hab qaybsiga xildhibanada aqalka sare ee Barlamanka Federalka Somalia.

Magalaada Garowe aya sidoo kale waxaa ku sugan ergo ka socota beesha Cali Saleebaan kuwasoo wada xaajood la wadey Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu kulankaan socdey safarkii 4aad kaga tagey ergadaan magalaada Garowe oo ay ku sugnaayeen muddo badan. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM