Gaas oo Saraakiil ciidan xilal u magacaabey xilli amniga Puntland xumaadey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Gaas ayaa wareegto  uu xafiiskiisa kasoo saarey waxaa uu ku magacaabey Taliyayaasha ciidamada Booliiska Puntland xilli in muddo ah aysan jirin cid maamusha.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Gaas ayaa u qoraa sidatan:   

"Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay".

Dhinaca kale waxaa aad u xumaanaya amaanka gudaha magalaada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Kooxaha argagixisada ee ku sugan gobolka Barri ayaa wararku sheegayaan iney weeraro  gaadmo iyo toos ah ku qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo qof walba ay u arkaan in bulshada dhexdeeda muhiim ka yahay.

Taliyaha ciidamadda ilaalada Dekeda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa asbuucaan gudihiisa ka badbaadey isku day dil ay kooxdaan rabtey iney ku khaarajiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in koox Bistoolada ku hubeysan ay damceen iney gudaha xarunta Dahabshiil ee magalaada Boosaaso ugu galaan isagoo ku sugan Taliye Xaashi balse ay joojiyeen ciidamada Ilaaladiisa gaarka ah.

Kooxdaan ayaa meesha ka baxsatey kadib markii rasaas is-waydaarsadeen Ilaalada taliyaha.

”Cabsi balaaran ayaa ka jirta magalada taas oo sababtey in duhurkii wixii ka dambeeya aan guryaha laga soo baxin.” Sidaas waxaa GO u sheegey qof kamid ah ganacsatada dagan magalaada Boosaaso.

Gaas ayaa mudadii Afarta sano aheyd uu dalka maamulayey curyaamiyey shaqadii hay’adaha amniga kadib markii uu ka jarey misaaniyadii ay u isticmalayeen la dagaalanka kooxahaan oo u muuqda kuwo ka  faa’ideysanya ciladda jirta.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Somaliland si kadis ah ku qabsadeen Tuulada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool taasoo aan weli wax su’aal ah layska waydiin sababta  sirdoonka Puntland uga warqabi waayeen dhaqdhaqaaqa howlgalka maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM