Gaas oo soo saaray Jadwalka doorashada, Baaqna u diray Beelaha

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa soo saarey wareegto ku saabsan soo xulista xubnaha cusub ee Gollaha Wakiilada [Baarlamanka].

Gaas oo wali aan si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu musharax yahay iyo in kale, ayaa beelaha Puntland faray inay kusoo gudbiyaan xubnaha ugu matelaya Baarlamanka ugu dambeyn 10-ka bisha 12aad [December] ee 2019.

Guddiga Ansaxinta iyo Khilaafaadka ayuu Madaxwaynuhu sheegay inay Odayaasha Dhaqanka ku wareejin doonan liiska mudanayaasha ay soo xuleen, si kahor doorashada loo dhameeyo hadii uu khilaaf yimaado.

Dhinaca kale, warqada kasoo baxda xafiiska Gaas ayaa lagu shaaciyay in Kal-fadhiga ugu horeeyay ee Gollaha Sharci-dejinta Puntland ee cusub uu furmi doono 6-da Janaayo 2019, oo ah labo maalin kahor waqtiga doorashada.

Qoraalka oo ku taariikheysan 30-ka bishaan November ayaa intaas ku daraya in coddeynta ay ku qabsoomi doonto waqtigii loo mudeeyay oo ah 8-da bisha koowaad ee Janaayo sanadka 2019.

Gabagabadii, wareegtadda ayaa waxaa lagu xusay in xeer gaar ah uu Madaxwaynuhu kusoo magacaabi doono xubnaha Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta ee Xilldhibaanadda cusub, oo aanan wali lasoo dhisin.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey inuu jiro khilaaf hoose uu u dhaxeeya Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey oo ku aadan dhisamaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2019. [Halkan ka akhri warka].

Wareegtada ayaa kusoo aadaya xili dhowaan lagu eedeeyay Cabdiwali Gaas inuu faragelin ba'an ku hayo nidaamka soo xulista Xildhdibaanada Baarlamanka cusub, uuna ku mashquulsan yahay inay soo baxaan kuwa isaga uu doonayo.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM