Gaas oo tagey Godad

Image

29 Augusto,2015(GO)-Safar aan la sii shaacin ayaa maanta madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" ku tagey xerada ciidamada Darawishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Godod ee Gobolka Mudug.

Ujeedka madaxweynaha Puntland ee xeradaasi ayaa lagu sheegey inay tahay  u kuurgalidda xaaladda cidamadaasi, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray sida wararka ku helayo Garoweonline darbi laga dhisay xeradaasi.

Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey Galkacyo waxana uu saacada soo socda so xiri doona shirka wadatashiga Puntland ee ka socdey magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM