Gaas oo u dhoofaya Muqdisho kana qayb geleya shirka wada-tashiga

Image

Sep 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa berri oo Sabti ah ku wajahan magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirka wada-tashiga ee dhex mari doona madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha qaybta ka ah federaalka (Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug).

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xildhibaano uu maalinta berri ah ka dhoofi doono magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka oo qurshuhu yahay inuu furmo maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay Sep 20, 205, waxaa diiradda lagu saari doonaa Higsiga 2016 iyo hannaanka ay ku dhici doonto doorashada madaxtinimada ee soo aaddan.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Puntland kulamo la qaatey qaybo kala duwan ee bulshada iyo Barlamanka kuwasoo ka raaridayey ka qayb galka kulankaan.

Beesha caalamka ayaa kulankaan culys ku saareysa madaxda Somalida iney go'aan ka gaaraan qaababka loo qaban karo doorashada madaxweynaha dowlada Federaalka ee la filayo iney dhacdo 2015.

Sept 28,2015 ayaa la filayaa in magaalada New York ka dhaco kulan uu gudoominayo xoghayaha QM kasoo lagaga hadli dooono arrimaha Somalia iyo 2016.

GAROWE ONLINE​

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM