Gaas oo xilka ka qaaday taliyihii qaybta booliska Nugaal

Image

Garowe, October 7,2014 [GO]-  Taliyihii ciidanka booliska Gobalka Nugaal G/sare Cabdiraxaan Xaaji Abshir ayaa maanta xilka laga qaaday ka dib markii madaxwaynaha Puntland uu soo saaray digreeto lambarkeedu yahay 113.

Madaxwayne Gaas ayaa taliyaha ciidanka Booliska Nugaal u magacaabay G/sare Axmed Cabdilaahi Samatar (Leyli) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka 54-aad ee magalada Garowe.

Taliyihii hore ee ciidanka booliska Gobalka Nugaal ayaa loo macaabay sida warqada lasoo gaarsiiyay Garowe Online lagu sheegay taliye ku xigeenka ciidanka ilaalinta canshuuraha Puntland.

Axmed Cabdilaahi Leyli oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee Gaas u magacaabay wuxuna sheegay inuu sii xoojin doono  nabadgalyadda Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM