Gaas oo xilka ka qaaday taliyihii qaybta booliska Nugaal

Image

Garowe, October 7,2014 [GO]-  Taliyihii ciidanka booliska Gobalka Nugaal G/sare Cabdiraxaan Xaaji Abshir ayaa maanta xilka laga qaaday ka dib markii madaxwaynaha Puntland uu soo saaray digreeto lambarkeedu yahay 113.

Madaxwayne Gaas ayaa taliyaha ciidanka Booliska Nugaal u magacaabay G/sare Axmed Cabdilaahi Samatar (Leyli) oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka 54-aad ee magalada Garowe.

Taliyihii hore ee ciidanka booliska Gobalka Nugaal ayaa loo macaabay sida warqada lasoo gaarsiiyay Garowe Online lagu sheegay taliye ku xigeenka ciidanka ilaalinta canshuuraha Puntland.

Axmed Cabdilaahi Leyli oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee Gaas u magacaabay wuxuna sheegay inuu sii xoojin doono  nabadgalyadda Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM