Gaas ''PL waxay diyaar u tahay inay la hadasho cid kasta oo kaga maqan yihiin''

Image

GAROWE[GAROWE ONLINE] Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta khdubad ka jeediyay kulan lagu taageerayay qodobadii kasoo baxay shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaacafay ka socday madaxtooyadda Garowe.

Waxa uu sheegay Puntland inay raadinayso wanaaga umadda Somaaliyeed ayna diyaar u tahay cid kasta oo ay wax kaga maqan yihiin inay iskaashi iyo wada hadal la gasho si loo saxo wax kasta oo la isku hayp.

Madaxwayne Gaas ayaa welwel ka muujiyay qodobada ay soo saareen inuu ka socon waayo dhanka madaxda DF oo lagu eedeeyay inay faro galin ku hayso gobalka Mudug oo ka tirsan Puntland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay hoggaamiyaasha dhaqanka Puntland waxayna muujiyeen inay taageero u hayaan go'aamadda soo baxay maanta oo ku socda dowladda federaalka ee Somalia.

Go'aankan ayaa sheegaya Puntland inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Madaxda DF balse ay goob joog ka noqdaan beesha caalamka si ay u noqdaan qodobada kasii bixi doono kuwa shaqeeya.

Dadka siyaasada Somalia la socda ayaa sheegaya inay ku adkaan doonta madaxda Villa Somalia inay aqbaal go'aanka Puntland iyo xildhibaanadda baarlamaanka DF ugu jira ay wada gaareen.

Villa Somalia ayaa lagu saxiixay 30,July,2014 heshiis 11 qodob ka kooban oo mamul loogu samaynayo Mudug iyo Galgaduud taasoo welwel galisay Puntland maadama Gobalka Mudug intiisa badan ay Puntland ka taliso hase yeeshee madaxwayne Gaas oo maalintii ka danbaysay xiligaasi warbaahinta la hadlay ayaa xiriirka u jaray DF.

Dadka Puntland ayaa hadal haya haddii go'aankan DF diido muxuu yahay tilaabada xigta ay xukumadda Gaas ka qaadan karta DF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM