Gaas: "waa fikir khaldan in hawada dalka laga maamulo Hargeysa"

Image

December 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo horjeestey qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay kulankii labo maalmood kahor ay dalka Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waraysi uu siyey VOA-da wuxuu ku sheegay in Puntland saluugsan tahay qodobada qaar gaar ahaan qodobka la xiriira maamulka hawada oo sida uu tilmaamay wax ka bedel lagu sameeyey.

Gaas ayaa xusay in heshiiska maamulka hawada ee horay loo saxiixay saddex geesood ahaa islamarkaana Puntland, Dowlada Federaalka iyo Somaliland si wadajir ah u saxiixeen balse hadda lagu soo koobay labo dhinac oo qura.

Hadii maamulka hawada dib loogu soo celinayo Muqdisho wuxuu sheegay inay soo dhoweynayaan balse aanay ogoleyn in hawada Soomaaliya oo dhan laga maamulo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

"hawada Soomaaliya ha lagu wareejiyo Somaliland waxay aniga iila muuqataa fikir qaldan oo aan shaqeynaynin...hawada Soomaaliya hal meel baa laga maamuli jirey waana Muqdisho" ayuu yiri.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa imaanaya maalin kadib markii uu sheegay inuu soo dhoweynayo kulankii dhex maray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM