Gabar markii u horreysey isu soo taagtey xilka guddoomiyaha Garowe [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Suhuur Xaashi Maxamed oo kamid ah xildhibaanada golaha cusub ee deegaanka Garowe ayaa maanta ku dhowaaqday inay tahay murashax u taagan duqa degmada Garowe, waxayna murashaxnimadeeda ku shaacisay munaasabad lagu qabtay isla maagalada Garowe.

Qaar ka tirsan xildhibaanada Puntland oo ka hadlay xafldda ayaa waxay sheegeen in loo baahanyahay sidii loo taageeri lahaa Suhuur maadama ay tahay qof dumar ah oo leh karti iyo fir fircooni, iyagoona ragga ugu baaqey in marakan loo tanaasula haweenka maadama ay ragu helaan jagooyinka sar sare sida ay xildhibaanadu sheegeen.

Suhuur Xaashi ayaa sheegtay go’aankaan inuu ku dhaliyay isbadalka Puntland ka curtay ee ah inay dumarku doorku door muhiim ah ku yeeshaan siyaasada iyo maamulka dalka, iyadoo ka faa’idaysanaya dowladda Puntland oo door muhiim ah ka ciyaaraysa inay dumarku fursado ka heleen awooda dalka.

Musharaxad Suhuur ayaa sheegtay go’aankeeda inay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan , iyadoo dhinaca kale sheegtay inay horey ulasoo shaqeysay maamulka degmada, ayna ku hanweyn tahay inau ku guulaysan hankeeda maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM