Gabar markii u horreysey isu soo taagtey xilka guddoomiyaha Garowe [DHEGEYSO]

Image

August 4, 2015 (GO)- Suhuur Xaashi Maxamed oo kamid ah xildhibaanada golaha cusub ee deegaanka Garowe ayaa maanta ku dhowaaqday inay tahay murashax u taagan duqa degmada Garowe, waxayna murashaxnimadeeda ku shaacisay munaasabad lagu qabtay isla maagalada Garowe.

Qaar ka tirsan xildhibaanada Puntland oo ka hadlay xafldda ayaa waxay sheegeen in loo baahanyahay sidii loo taageeri lahaa Suhuur maadama ay tahay qof dumar ah oo leh karti iyo fir fircooni, iyagoona ragga ugu baaqey in marakan loo tanaasula haweenka maadama ay ragu helaan jagooyinka sar sare sida ay xildhibaanadu sheegeen.

Suhuur Xaashi ayaa sheegtay go’aankaan inuu ku dhaliyay isbadalka Puntland ka curtay ee ah inay dumarku doorku door muhiim ah ku yeeshaan siyaasada iyo maamulka dalka, iyadoo ka faa’idaysanaya dowladda Puntland oo door muhiim ah ka ciyaaraysa inay dumarku fursado ka heleen awooda dalka.

Musharaxad Suhuur ayaa sheegtay go’aankeeda inay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan , iyadoo dhinaca kale sheegtay inay horey ulasoo shaqeysay maamulka degmada, ayna ku hanweyn tahay inau ku guulaysan hankeeda maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM