Gadood ka dhan ah guddiga TPEC oo ka qarxay gobolka Mudug

Image
Murankan ayaa, sidda ay muujinayaan warbixino horudhac ah, waxa uu salka ku hayaa musuqmaasuq.

GAROWE, Puntland - Cutubyo kamid ah ciidamada dowlada Puntlandayaa jidgooyo dhigtey qaybo kamid ah gobolka Mudug iyaga oo ka cabanaya mushahar la'aan iyo cabashooyin la xiriira is-dabamarin maaliyadeed.

Murankan ayaa, sidda ay muujinayaan warbixino horudhac ah, waxa uu salka ku hayaa musuqmaasuq baahsan iyo is-daba-marin ay sameeyeen guddiga doorashada KMG ah ee Puntland.

Illaa haatan, waxaa jidgooyo laga soo sheegaya degmooyinka kala ah; Galkacayo, Jiriiban iyo Galdogob. Si gaar ah, degmadda Jiriiban waxaa ka dhacey iska-hor-imaad.

Degmada Jariiban gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ka dhacay is-rasaasayn kooban, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka degaanka iyo mas'uuliyiin kala duwan.

Bulshada ayaa dagaal kala hortagay Booliska oo galbinayay xubno ka socda shaqaalaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo doonayay in ay kaararka cod bixinta ka qaybiyaan degmada.

Dadwaynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay ku eedeeyeen TPEC "in ay been ku shaqaysanayso isla markaana horey ula goysay kiradda baabuurtii diiwaan gelinta uga shaqaysay".

Shaqaaqadaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo dhawaan Garowe uu isbitaal ku galay gudoomiyaha degmada Jariiban kadib markii sida uu warbaahinta u sheegay "lagu dhex-garaacay" gudaha xafiiska madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni.

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa, sidda uu fahansan yahay warsidaha GO, waxay wadaan dadaalo ay doonayaan in xaaladda lagu dejiyo iyada oo aan la garanayn sida uu xaalku noqon doono.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa horey sidaan oo kale waxaa ka cawday darawalada Boosaaso iyaga oo sheegay in aysan siinin kharashkii ay kula heshiiyeen.

Beesha caalamka ayaan bixin dhaqaale ay xukuumada Puntland ka codsatay sida dhawaan uu warbaahinta ka sheegay madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni taasi oo sii xoojinaysa daruuraha dul hoganaya TPEC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM