Galkacayo: booliska oo qabtey niman aasayey qarax

Image

March 7, 2015 (GO)- Booliska gobolka Mudug ayaa magaalada Gaalkacayo ku qabtey labo nin oo dhulka ku aasayey walxaha qarxa.

Goobta miinada lagu aasayey ayaa ah maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taalla xaafadda Xero Darwiish.

Labada nin booliska ayaa xilligan su'aalo weydiinaya, mana jiro wax war ah oo arrintaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka.

Arintan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii la diley taliyihii ciidamada cashuuraha berriga ee gobolka Mudug Duraan Cumar (Qaylo) oo ku geeriyoodey qarax ka dhashay bam gaarigiisa loogu rakibey.

Ammaanka Galkacayo oo soo xumaanaya:

November 18, 2014- Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. 

Jan 2, 2015 waxaa qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga dugsiga Yameska. Hal qof ayaa weerarkaas ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen.

January 17, 2015 bam-gacmeed ayaa lagu tuurey xarunta Radio Galkacayo.

February 3, 2015 waxaa isku day dil ka badbaadey xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare) kadib markii gaarigiisa lagu qarxiyey miino jidka dhinaciisa lagu aasey.

Isla maalintaas February 3, 2015  waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley Maxamuud Diiriye Bidaar oo ahaa guddoomiyihii xaafadda Garsoor.

Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee faraha kasii baxaya ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf xooggani ka dhex taagan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM