Galkacayo: guddoomiye ku-xigeenkii Mudug oo qarax lala eegtay

Image

December 21, 2014 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qarax saaka magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino horay gaariga loogu sii xiray kana dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska gobolka Mudug waxaa ku dhaawacmay Xirsi iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya xaalada caafimaad ee gudoomiyaha, haseyeeshe weriye Gaalkacayo ku sugan ayaa GO u sheegay in xaaladda mas'uulkaasi wanaagsan tahay. Qaarka dambe ee jirka gaar ahaan lugaha ayuu sheegay inuu dhaawac culus ka qabo xilliganna lagu dabiibayo isbitaalka guud ee degmada.

Waa markii labaad ee Farxaan Cali Xirsi isku day dil ka badbaado iyadoo sidan oo kale November 8, 2011 gaari uu watey ugu qaraxdey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo jidka dhinaciisa loogu sii aasay.

Isla sanadkii 2011 waxaa isna isku day dil oo caynkaas oo kale ahaa ka badbaadey gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM