Galkacayo: Madaxweyne Gaas oo xarigga ka jaray saldhig boolis

Image
Image
Image
Image
Image

August 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gaalkacyo  xarigga kaga jaray saldhigga booliska gobalka Mudug oo dib u habeyn lagu sameeyey.

Xafladda xarig-jarka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur , Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen,  Cabdirisaaq Afguduud , Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu xarigga ka jaray xaruntaas cusub , wuxuu kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay.

Saraakiisha booliska ayuu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay ilaaliyaan xaruntaas cusub nidaamkeeda shaqo iyo weliba nadaafaddeeda.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaamiyo ayaa muddo asbuuc ah ku sugan magaalada Gaalkacayo, halkaaso la filayo in ay todobaad kale sii joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM