GALKACYO: Carruur u geeriyootay Jadeeco

Image

GALKACYO, Puntland- Kaamka ku yaalla duleedka magaalada Galkacyo ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan carruur ah, kuwaasoo soo ritay cudurka Jadeecada.

Kaamka Taalacad oo ku yaala Duleedka Waqooyi ee Magaalada Galkacyo ayay carruurtaas ku dhinteen sida uu sheegay Gudoomiyaha Kaamkaasi Muuse Cabdi Xalane.

Xalane ayaaa tilmaamay in kaamkaasi ay ka jirto baahiyo farabadan haba ugu darnaadaan dhinacyad Caafimaadka iyo Biyaha.

Asbucaan kaliya waxaa kaamka  Taalacad ugu dhintay Xanuunka Jadeecada Caruur ka badan shan.

Waalidiinta ku nool Kaamkaas ayaan awoodin inay mareeyaan nolosha carruurtooda, waxayna dalbadeen in loo fidiyo gacan caafimaad.

Xilliyadan oo kale waxaa kaamamka Barakacayaasha ka dillaaca xannuuno kala duwan.

Kiiskan kama uusan hadlin waxyaha caafimaadka gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa muddooyinka waday dadaallo ku aadan sidii loo ilaalin lahaa fayo dhowrka dadka ay abaartu saamaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM