​Gallan "Hubka iyo agabka aan haysanno waxaan ka helnaa xukuumadda Cabdiwali"

Image
Image
Image

BOSASO- Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa markii ugu horraysay faah faahin ka bixiyay halka uu ka helo saanadda Military iyo hubka uu ku qalabeeyay ciidamada uu dhawaan tababar usoo xiray kuwaasi oo maanta gaaray nawaaxiga Carmo ee gobolka Bari.

Gallan oo waraysi siiyay Kalsan TV Bosaso, ayaa sheegay inay xukuumadda Puntland ku fashilantay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, sidaasi dartee uu isagu isu xilqaamay sidii booskaasi u buuxin lahaa islamarkaana uu dagaal ula gali lahaa argagixisada isku fidinaysay qaybo kamid ah gobolka, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ka dhaxlay faa'iido weyn oo ah in shacabku aaminaan oo ay taageeraan.

Wuxuu tilmaamay in hubka iyo agabka kale ee uu haysto ka helay xukuumadda Puntland, isagoo carrabka ku dhuftay  wasiirro iyo saraakiil ciidan, halka qaybta kale uu sheegay inuu kasoo iibsaday magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Gallan, wuxuu ku celiyay in xukuumaddu aysan ka warqabin dalka islamarkaana aysan ogayn waxa kabaxaya iyo waxa soo galaya.

Xukuumadda madaxweyne Gaas, ayuu ku dhaliilay inay hishiis la gashay argagixisada gaar ahaan Al Shabaab, wuxuu taas ku macneeyay in madaxweyne Gaas qorshihiisu ahaa sidii uu uga nabadgali lahaa dhibaatooyinka ururkaas, balse wuxuu sheegay in hishiiska labada dhinac bur-buray kadib markii ay mallayshiyaad hubaysan kasoo dageen Suuj iyo Garmaal.

Cabdisamada Gallan oo tan iyo markii uu kabaxay degmada Bosaso, si cad u dhaliilayay xukuumadda madaxweyne Gaas, ayaa maanta gaaray aagga laamiga, isagoo sheegay inuu tagi doono magaalada Bosas, balse waxaa socda dadaallo ay waddo dowladda Puntland kaasi oo ka dhan ah Gallan.

Dhinaca kale, waxaa waan waan nabadeed wada shacabka gobolka Bari, siyaasiyiin iyo waxgarad kuwaasi oo doonaya in arrinta lagu idleeyo wadahadal.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland, taasi oo ku aadan arrinta Cabdisamada Maxamed Gallan.

Tan iyo markii madaxweyne Gaas xafiiska yimi, waxaa soo ifbaxayay gadood ay sameeyeen saraakiil iyo mas'uuliyiin xilal laga qaaday, kuwaasi oo dowladda ku dhaliiyay ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hantida dadweynaha.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA UU BIXIYAY CABDISAMAD MAXAMED GALLAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM