Galmudug oo iska fogeysey eedeyntii GudoomiyeTigey

Image

January 26, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay eedeyn loo jeediyey kadib markii qalab ay lahayd hay’adda dhismaha jidadka Puntland ee PHA lagu dhacay inta u dhexaysa Galkacayo iyo Garacad.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Aways Cali Siciid ayaa cambaareeyey falkaas isagoo sheegay in aysan lug ku lahayn qalabkaas la dhacay.

Aways wuxuu meesha ka saaray in rag ka soo jeeda Galmudug ay dhaawaceen laba qof oo xoolo dhaqato ah isla markaasna afduubteen qalabka dhisme ee loo waday Garacad.

Galmudug waxay ku dhaawaqday baaritaan arrintaas la xiriira oo ay samayn doonaan. Aways oo saxaafadda Galkacayo la hadlayeyna wuxuu sheegay in maamulkoodu uu dhowrayo in nabad lagu wada noolaado.

Kooxdii qalabka dhacay sadqii dhexe habeen hore, waxay dhaawac u geysteen askari ka tirsan ciidamada Amniga, sida laga soo xigtay maamulka gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed yuusuf Tigey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo, ayaa ku eedeyey meleyshiyo ka soo jeeda Galmudug in ay jidka u galeen agab dhisme oo loo qorsheeyey in lagu hagaajiyo wadada Wadaagsin.

Tigey wuxuu sheegay in aysan u dulqaadan karin in wax la yeelo shacabka Puntland, isagoo waxgaradka Galmudug ugu baaqay in ay soo jeensadaan oo ay wax ka qabtaan collaada la hurinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM