Galmudug oo PL ku eedeysey inay colaad ka hurineyso deegaanadeeda

Image

August 18, 2015 (GO)- Maamulka Galmudug ee dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay ayaa ku eedeeyey Puntland inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siisey Ahlu Sunna, islamarkaana ku hawlan tahay sidii ay colaad uga hurin lahayd deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carrabey oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC ayaa warkan sheegay, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

"Puntland waxay weli wadaa, dhul-durusgsi iyo khash-khashahaad iyo daandaansi, sida Ururka Ahlu Sunna iyadoo taageero dhaqaale iyo mid ciidan siisey, sida iyadoo colaad ka hurineysa deegaanka Saaxo..." ayuu yiri.

Carrabeey ayaa sidoo kale ku eedeeyey Puntland inay dhul-ballaarsi ku jirto oo ay ceelal ka qodeyso deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"ceelasha deegaanada ay ka qodayaan ayaa ah deegaanada Galmudug, waxayna qodeen iyagoo aan fasax haysan, cadayn ayaanuna u haynaa dhammaan eedaymahaas" ayuu yiri.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ku eedeeyey Puntland in aysan wadahadal diyaar u ahayn.

"Puntland deegaan baa naga dhexeeya balse iyadaan diyaar u ahayn inaan kala hadalno khilaafaadka jira, taas ayaa keentay inaan idaacadaha u marino"

Eedeynta Galmudug ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro khilaaf dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya maamulka Cadaado iyo Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM