Galmudug: "waxan weeraraynaa garoonka Gaalkacyo"

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Maamulka Galmudug ayaa ku hanjabay inuu weerari doono garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka tirsan Baarlammaanka maamulkaas ayaa sheegay in garoonka Gaalkacayo aanu sii shaqeyn doonin haddii Puntland jawaab ka bixin weydo xayiraadda ay kusoo rogtey garoon kale oo macmal ah oo Galmudug ay ka samaysatay koonfurta Gaalkacayo.

Wuxuu intaas ku daray in maanta laga bilaabo garoonka Cabdullaahi Yuusuf uu yahay mid diyaaradaha ka caaggan wax duulimaad ah oo kasoo degi karaana aanu jirin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamadu heegan sare ku jiraan diyaarna u yihiin inay difaacaan garoonka Gaalkacayo.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii Puntland ay dib u celisey diyaarad sidey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale oo doonaysay inay kasoo degto garoon macmal ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Puntland ayaa tallaabadaas ku micnaysey mid looga hortegayo in magaalada Gaalkacayo ay yeelato labo garoon oo masaafo yar isu jira, maadaama ay taasi tahay mid khatar badani ka dhalan karto.

Galmudug oo si aad ah uga carootay dib u celinta diyaaraddii sidey Madaxweyne Qaybdiid, waxay cabasho u gudbisey Dowladda Federaalka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ku goodidey inay jawaab kulul arrintaas ka bixin doonto haddii aan si dhaqso ah loogu soo jawaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM