Galmudug: "waxan weeraraynaa garoonka Gaalkacyo"

Image

Sept 25, 2014 (GO)- Maamulka Galmudug ayaa ku hanjabay inuu weerari doono garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo ka tirsan Baarlammaanka maamulkaas ayaa sheegay in garoonka Gaalkacayo aanu sii shaqeyn doonin haddii Puntland jawaab ka bixin weydo xayiraadda ay kusoo rogtey garoon kale oo macmal ah oo Galmudug ay ka samaysatay koonfurta Gaalkacayo.

Wuxuu intaas ku daray in maanta laga bilaabo garoonka Cabdullaahi Yuusuf uu yahay mid diyaaradaha ka caaggan wax duulimaad ah oo kasoo degi karaana aanu jirin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamadu heegan sare ku jiraan diyaarna u yihiin inay difaacaan garoonka Gaalkacayo.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii Puntland ay dib u celisey diyaarad sidey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale oo doonaysay inay kasoo degto garoon macmal ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacayo.

Puntland ayaa tallaabadaas ku micnaysey mid looga hortegayo in magaalada Gaalkacayo ay yeelato labo garoon oo masaafo yar isu jira, maadaama ay taasi tahay mid khatar badani ka dhalan karto.

Galmudug oo si aad ah uga carootay dib u celinta diyaaraddii sidey Madaxweyne Qaybdiid, waxay cabasho u gudbisey Dowladda Federaalka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ku goodidey inay jawaab kulul arrintaas ka bixin doonto haddii aan si dhaqso ah loogu soo jawaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM